Rooble oo si adag uga hadlay weerarkii lagu qaaday Dhabancad Digniina u diray labo taliye

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka, ficilladaas oo uu ugu dambeeyay isku daygii maanta lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
 
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga digay taliyeyaasha CIidammada Booliska iyo Nabad Sugidda in ay ku lug yeeshaan falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa, shacabka Soomaaliyeedna waxa uu ka codsaday in ay isha ku hayaan dadka ka dambeeya abaabulka falalka lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada.
 
Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka ayaa ku bogaadiyay sida geesinimada leh ee guddoonka KMG ee labada aqal u wadaan howsha doorashada,kuna dhiirrigeliyay in ay waajibaadkooda gutaan.
 
 
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusuusinayaa xildhibaannada BJFS inay in ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee dalka waxa uuna ku dhiirrigelinayaa in ay u miboobaan dhammeystirka doorashada dalka si looga gudbo marxaladdan adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -