Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Itoobiya oo shaqadii ka joojisay heyaddo samafal oo ka howlgalayey Tigray

Dowladda Itoobiya ayaa ka joojisay shaqadii ay gobolka Tigray ee woqooyiga dalkaas ka wadeen labo hay’adood oo ka shaqeeya arrimaha samafalka

Ha’yadda MSF waxaa laga joojiyay howlihii gargaarka ay ka fulin jiray Tigray iyo saddex gobol oo kale halka NRC ay sheegtay in tallaabadan ay saameysay howlihii samafalka ay ka qaban jirtay guud ahaan Itoobiya.

Xukuumada Addis ababa ayaa sheegtay in kooxaha gargaarka ay faraha la galeen waxaan shaqadooda ahayn ayna shaqaaleysiiyeen shaqaale ajaanib ah oo aan heysan waraaqaha oggolaanshaha ay kaga howlgalayaan dalkaasi

Itoobiya waxay sidoo kale hay’adahan ku eedeysay inay baahinayaan warar marin habaabin ah oo lagu taageerayo jabhada TPLF ee ka dagaalanta Tigray.

Qaramada Midoobay ayaa horey ugu eedeysay Itoobiya iney s hortaagtay in gargaar la gaarsiiyo kumanaan qof oo ku macluulaya gobolka Tigray inkastoo dowladu beenisay eedeymahaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu ka dhigan yahay heshiiska ay kala saxiixdeen Somalia & Masar?

Caydiid Ali

Dowlada Kenya oo Diblumaasiyad qasab ah iyo Carqaladeyn wax ku raadineysa !!

Cabdi Cade

Ciidamada AMISOM oo dhawaan ka baxaya Degmooyin katirsan Hirshabelle iyo Walaac…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---