Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii ugu dambeeyey howlgalada milateri ee ka socda gobolka Galgaduud

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ay ka fuliyeen degaanada Gariley iyo Cali-Yabaal ee Gobolka Galgaduud ku dilay 5 dagaalyahan oo tirsan Al-Shabaab sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga General C/llaahi Cali Caanood.

General Caanood ayaa sidoo kale sheegay in degaanka Jirjir-xiireey oo u dhaxeeya Ruun-nirgood iyo Cali-Heelle ee kala ah gobollada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud laga saaray kooxo ka tirsan Al-shabaab oo keymahaas ku ku jiray.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka howgallo culus ka wadaan dhulka keymaha ah, isagoo sheegay in ciidankaas ku wajahan yihiin magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee ah labada degmo ee kali ah gobolkaas ee ku haray gacanta Alshabaab.

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ayaa howlgallo lagu ciribtirayo Al-shabaab ka wada degaano kala duwan.

HOOS KA DAAWO HADALKA AFHAYEENKA

Related posts

Golaha shacabka oo shaaciyey Maalinta codka kalsoonida loo qaadayo Wasiirada cusub

Caydiid Ali

Puntland & Galmudug oo isu keenay odayaasha Sacad & Leelkase (Sawirro)

Caydiid Ali

Jubbaland oo aqbashay in ay qeyb ka noqoto Guddi uu dalbay xafiiska Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---