DF oo shaacisay in howlgal qorsheysan lagu dilay 17 ka tirsan Al shabaab (Akhriso)

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in 17 ka Tirsan Al shabaab oo xalay lagu dilay howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah.

Qoraal ka soo baxay dowlada ayaa lagu sheegay in xubnaha la dilay ee Al-Shabaab ay ku jireen labo sarkaan.

“Howlgalkaan oo ay qorsheysay Hay’adda Nabad Sugigada iyo Sirdoonka Qaranka oo xalay dhacay, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada oo isku aruursanayay deegaanno hoos yimaada tuulada Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka dowlada oo sidan hoose  u qornaa:

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -