Khilaaf xoogan oo soo lala dhax galay Gudoomiye Yuusuf Axmed Hagar iyo kuxigeenkiiisa

Wararka aan ka heleyno magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhax galay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo kuxigeenkiisa dhinaca  ammaanka C/raxiin Muxummad Taakooy.

Khilaafka labada masuul ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu soo jiitamayay laguna guul dareestay in la xaliyo, waxaana Gudoomiyaha iyo kuxigeenkiisa isku hayaan awooda maamulka.

Gudoomiye kuxigeenka dhanka amaanka ee gobolka Hiiraan C/raxiin Muxummad Taakooy oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Gudoomiyaha uu yahay kaligiis talis ka horyimid nidaamka dowliga ah.

Waxa uu sheegay C/raxiin Muxummad Taakooy in guddoomiyaha Hiiraan uu shaqadii maamulka isku koobay , waxa uuna xusay in Dabageed aanu dooneyn shaqada lala wadaago, wax walbana uu ammarkiisa ku rabo in lagu hago.

Khilaafkan cusub ee soo kala dhax galay maamulka gobolka Hiiraan ayaa laga cabsi qabaa in uu saameyn ku yeesho shaqooyinka gobolka, waxaana Hiiraan ragaadiyay khilaaf joogta ah oo soo kala dhax gala masuuliyiinta gobolka oo marka dambe keena xil ka qaadis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -