Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay Jeneraal Michael E. Langley, oo ah Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM)
Waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo al shabaab iyo xoojinta isku-duwidda howlgallada la xiriira iskaashiga ballaaran oo ay qeybta ka yihiin AUSSOM.
Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda taageerada joogtada ah ee dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.
Waxaa kulankaas goob joog ka ahaa Wasiirka Difaaca Somalia, Axmed Macalin Fiqi, danjiraha Mareykanka ee Somalia, taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed iyo saraakiil kale oo ka tirsan labada dhinac.
Pakistan waxay soo riday labo diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee ciidanka Hindiya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Reuters , oo xiganaysa afhayeenka milatariga Pakistan, oo horey u xaqiijiyay inay ciidanka Pakistan soo rideen labo diyaaradood ee kuwa dagaal Hindiya.