Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye ka tirsan Heyadda Nabad Sugida Qaranka oo xabsiga loo taxaabay

Ciidanka hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa xalay xabsiga dhigay Dr Xasan Axmed Maxamed Gacal oo ahaa Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka ee hay’addaasi.

Xariga Sarkaalkan ayaa yimid xili shalay galab uu ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa oo yiilay banaanka hore ee gurigiisa oo ku yaalla meel ku dhow isgoysa Dabka ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah eheladiisa ayaa xaqiijiyay xarigga loo geystey sarkaalkan, iyagoo sheegay ineysan ogeyn sababaha lagu xiray iyo halka la geeyey

Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaan weli wax war ah ka soo saarin xarigga Dr. Gacal iyo waxa uu salka ku hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo Markab dagaal usoo direysa Soomaaliya iyo ujeedka ka dambeeya

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Weerar Hoobiye oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Beesha Caalamka oo ka dalbatay Axmed Madoobe in Doorashadii Jubbaland lagu celiyo iyo Shir ka socda..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---