Allbanaadir.com
NEWS

Xogta xubno Saraakiil ah oo Iran dishay kaddib Wadashaqeyn ay la yeesheen Israa’iil

Ciidamo Sirdoon iyo Khiyaano Qaran: Xubno sare oo dawladda Iran ah oo la dilay ama xiran kaddib markii lagu eedeeyay xiriir ay la leeyihiin sirdoonka Israa’iil

Sheegashooyinka maanta ka soo baxay Israa’iil ee la xiriiray inay hay’adda sirdoonka ee Mossad ku dhex lahayd gudaha Iran , saldhigyo ay ku jiraan kuwa laga diray qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ka qeybqaatay weerarka ay saakay Israa’iil fulisay Iran oo lagu dilay saraakiishii milatariga u sarreeyay, ayaa mar kale dib inoo xasuusinaya , sida ay mar walba Mossad ugu dhex jirtay Iran.

Tan iyo markii uu dagaalka qarsoon ee u dhexeeya Iran iyo Israa’iil ku faafay baraha sirdoonka, Iran waxay si joogto ah u bartilmaameedsanaysay shaqsiyaad sare oo ka tirsanaa hay’adaha difaaca, sirdoonka iyo maamulka rayidka, kuwaasoo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad.

1. Colonel Ali Esmailzadeh – Ciidanka ilaalada kacaanka (IRGC)

Bishii Juun 2022, Iran waxay si qarsoodi ah u sheegtay dhimashada Col. Ali Esmailzadeh, oo ka tirsanaa unugga gaarka ah ee IRGC ee loo yaqaan Quds Force Unit 840. Warbaahinta gudaha ayaa markii hore sheegtay inuu si shil ah uga dhacay saqafka gurigiisa ku yaalla Karaj, laakiin ilo sirdoon reer galbeed ah ayaa sheegay in la dilay kadib markii lagu tuhmay inuu xog la wadaagay Mossad. Waxa uu si dhow ula shaqayn jiray Sayyad Khodaei, sarkaal kale oo IRGC ah oo la dilay horraantii 2022.

2. Sayyad Khodaei – Sarkaal sare oo IRGC ah

Khodaei wuxuu ahaa sarkaal sare oo IRGC ah, waxaana bishii May 2022 lagu dilay bartamaha Tehraan isagoo gaarigiisa dhex fadhiya. Iran waxay si toos ah weerarka ugu eedeysay Israa’iil. Khodaei waxaa lagu tilmaamay inuu hormuud ka ahaa hawlgallo qarsoon oo Mossad ka fulisay gudaha Iran.

3. Dr. Ayub Entezari – Injineer Nukliyeer

Dr. Entezari wuxuu ahaa saynisyahan muhiim ah oo la shaqeynayay mashruuca tamarta nukliyeerka Iran. Waxaa si lama filaan ah loogu dilay cunno lagu sumeeyay, iyadoo warar hoose oo sirdoon ay sheegayaan in dilkiisa lagu tuhunsanaa xiriir uu la lahaa sirdoonka Israa’iil — Iran waxay markii hore sheegtay inuu “xanuunsaday”, balse warbixino dabadeed la helay waxay muujinayaan in dilka uu xiriir la lahaa xog la tuhmayo in lagu dhex tuuray Israa’iil.

4. Dr. Kamran Daneshjoo – Wasiirkii hore ee Sayniska

Inkasta oo uusan la kulmin dil, Dr. Daneshjoo—oo horey u soo noqday wasiirka cilmiga—wuxuu wajahaa baaritaanno rasmi ah oo lagu tuhunsan yahay inuu xog muhiim ah u gudbiyay hay’adaha reer galbeedka, oo ay ku jirto Mossad. Wararka qaar waxay sheegayaan in xaaskiisa iyo walaalkiis lagu eedeeyay inay xiriir la lahaayeen sirdoonka shisheeye.

5. Mehdi Fazeli – Askari hore oo IRGC ah

Waxaa la xiray bishii Febraayo 2023 kadib markii la ogaaday in uu si qarsoodi ah uga dhoofay dalka isagoo haysta xogta dhaqdhaqaaqyada militeri ee xuduudaha Galbeed ee Iran. Sirdoonka Iran ayaa sheegay in taleefankiisa laga helay xiriir toos ah oo lala lahaa Mossad.

6. Seyed Mahdi Mousavi – Sarkaal xoghayn u ahaa Wasaaradda Difaaca

Waxaa la xidhay dabayaaqadii 2023 kaddib markii baarayaal gudaha ahi ay heleen caddeymo muujinaya inuu xog sirdoon u diray la-hawlgalayaal Israa’iili ah. Wararka la helay waxay sheegayaan in si qarsoodi ah loo wareejiyay xarun sirdoon oo maxalli ah ,markaasoo dad ugu war dambeysay!

7. Xiritaanno kale oo ballaaran:

Dawladda Iran waxay sheegtay in ay xabsiga dhigtay in ka badan 40 qof oo lala xiriirinayo kooxaha sirdoonka Israa’iil tan iyo dabayaaqadii 2021. Qaar badan oo ka mid ah dadkaas ayaa lagu eedeeyay:

Inay geeyeen macluumaad ku saabsan xarumaha nukliyeerka Natanz iyo Fordow.

Inay fududeeyeen weerarro lagu qaaday saraakiil sare.

Inay u suurtageliyeen Mossad inay qalab isgaarsiineed ka dhigato gudaha Iran.

Fallanqeyn kooban:

Halista dhexroorayso Iran gudahooda

Khubarada ammaanka gudaha Iran waxay walaac xooggan ka muujiyeen sida ay Mossad ugu suurtagashay inay gasho xarumaha ugu adag ee sirdoonka iyo militariga Iran. Waxaa sii kordhaya tuhunka ah in la heysto shabakad gudaha u gooshay oo la mid ah kuwa Israa’iil ka sameysatay gudaha Lubnaan iyo Suuriya sannado badan kahor— hadda ayaa markii u horreysay la maqlaya guushii u sarreysay oo sirdoon inay Israa’iil ka gaartay Iran, kaddib saldhigyo howlgallin oo Mossad ay ka hirgelisay gudaha Tehran.

W/Q Iman Jamac

Related posts

(Sawirro) Geelle oo ku laabtay Jabuuti ka dib Warar laga baahiyey xaaladiisa Caafimaad

Caydiid Ali

Macalimad talaashay arday ay wax u dhigto oo la xiray laguna soo oogay Dambi

Cabdi Cade

Farmaajo oo xiriir la sameeyey RW Rooble & Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo isdhiibay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---