Allbanaadir.com
NEWS

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay Guddiga Madax Bannaan ee doorashooyinka Qaranka, kana mid ahaa Ururada Siyaasadeed ee lagu casuumay gogosha uu fidiyay Madaxweynaha ayaa soo saaray war saxaafadeed ay uga hadlayaan mowqifkooda ku aadan gogoshaas.

Ururradan siyaasadeed oo kala ah Xaqsoor, Samadoon, DPC, Ramaas iyo Dhulka Hooyo oo ay hoggaamiyaan Wasiiro hore ayaa waxay war saxaafadeedkooda ku sheegeen inay si taxadar leh u soo dhoweynayaan gogosha uu fidiyay Madaxweynaha JFS, waxay tibaaxeen si ay gogoshaas u noqoto mid najaxda oo abuuri karta jawi kalsooni leh oo dalka u horseedi karta natiijo lagu naalloon karo ayaa waxay soo jeediyeen qodobadan:

1. In Madaxweynuhu bayaamiyo in gogoshani tahay madal wada-xaajood siyaasadeed oo rasmi ah, una dhaxeysa dowladda iyo ururrada mucaaradka ah, yoolkeeduna yahay helitaanka waddo la isku raacsan yahay, loogana baxo cakirnaanta siyaasadeed ee la xiriirta dastuurka iyo doorashooyinka dalka.

2. In la dhiso guddi farsamo oo isku dhaf ah oo diyaariya ajandaha, muddada, habraaca iyo ka qaybgalayaasha gogosha. Guddigan waa inuu ka koobnaadaa dowladda iyo ururrada mucaaradka ah.

3. In Madaxweynuhu kala saaro qodobbada isku loollanku ka jiro (sida doorashooyinka iyo dastuurka) iyo kuwa la isku waafaqsan yahay (sida la dagaallanka argagixisada iyo midnimada dalka), si looga baaqsado jahawareerinta ajandaha gogosha.

Related posts

Daawo:-Faahfaahin Al-Shabaab oo gudaha u galay saldhig ciidan iyo Warar kale

admin

Xamse Barre iyo Masuuliyiin kale oo salaada Janaasada ku dukay Meydka Sheekh Caan ahaa

Cabdi Cade

Banaan bax weyn oo ka socda Muqdisho iyo cabsidii Caronavirus oo meesha ka baxday !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---