Allbanaadir.com
NEWS

Meydka nin la dilay oo lasoo dhigay xaafad katirsan Muqdisho

Waxaa xaafada Taleex gaar ahaan meel ku dhaw Carwadihii hore ee Qaranka ee kutaalla degmada Hodan lasoo dhigay meydka nin dhallinyaro oo la dilay, kaa oo la sheegay in uu ahaa Bajaajle.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ku warramay in la arkay meydka ninka la dilay oo labo xabo lagu dhuftay, waxaa meydka oo la galiyay qeybta hoose ee kursiga dambe ee mootada lasoo dhigay meel cidlo aheyd.

Laamaha amaanka oo lagu wargaliyay dhacdadan ayaa tagay goobta meydka ninkan lasoo dhigay, waxa ayna booliiska bilaabeen baaritaanno ku aadan dilkan oo loo maleenayo in uu ka dhacay meel ka baxsan halka meydka lagu arkay.

Magaalada Muqdisho waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dhoor dil , waxa ayna dilalkan imaanayaan xilli lagu jiro maalmaha farxadeed ee ciida oo heegan la galiyay ciidamada amniga, si ay u xaqiijiyaan amniga shacabka caasimadda oo ciida mashquul ku ah.

Related posts

Axmed Madoobe oo booqday degaan dhowaan laga saaray Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

C/wali Gaas oo Madaxda dowlad goboleedyada iskugu yeeray shir deg deg ah (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Turkiga oo ku kulmay Istanbul (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---