Allbanaadir.com
NEWS

Dayuuradaha Israel oo weeraro cusub ku qaaday Iran

Israaiil ayaa mar kale duhurnimadii maanta duqeymo xooggan u geysatay Iran. Markaan waxey beegsadeen xarumaha Keydka hubka ee Iran.

Magaalooyin ay ka mid tahay Tabriz ayay kasocdaan, Garoonkii diyaaradaha magaaladaas ayaa gubanaya.

Iran oo hadal ugu jawaabtay weerarkaan ayaa ayey ku sheegeen in IsraaiiL ay ku dhawaaqday dagaal Toos ah.

Shir deg deg ah ayaa u socda Golaha Amniga Qaranka Iran waxaana horyaala marxalad culus oo jawaab adag ayaa laga sugayaa.

Taliyayaashii la dilay ee ciidamada ayaa la dhameystiray magacaabidooda, Hoggaamiyaha u sareeya Iran ayaana kula dardaarmay jawaab adag, sida ay sheegtay TASNIM wakaalada wararka Iran.

Xaaladda bariga dhexe ayaa mareysa meeshii ugu xumeyd. Waxaana wali dhanka duqeymaha ku gacan sarreeysa Israaiil, iyadoo iran illa hadda aysan qaadin talaabo macno leh, marka laga reebo hanjabado hawada la marinayo.

Related posts

Raaf ka dhan ah ajaaniibta oo saakay ka bilowday magaalada Garowe

Cabdi Cade

Abuu Mansuur oo shaaciyay in Muqdisho aheyn sida Kabul iyo Dimishiq

Cabdi Cade

Sheekh Mowlana Maxamed Mahir oo lagu dhax dilay Masjid kaddib markii bud lagu garaacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---