Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu tartanka ka hari doono sidii Maxamed Mursal

Doorashada Guddoonka Aqalka sare iyo guddoomiyaha gollaha shacabka ayaa niyad jab xooggan ku riday kooxda Nabad iyo Nolol uu hormuud u yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Farmaajo.

Guddoomiyihii hore ee gollaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh ayaa xalay isaga haray doorashadii guddoonka gollaha shacabka, kaddib markii uu ogaaday in aan la dooran doonin uuna guul daro kala kulmayo.

Xildhibaan Xasan Firimbi oo kamid ah Xildhibaanada mucaaradka ku ahaa Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa sheegay in isbadal uu guuleestay ayna fashilmeen sida uu tilmaamay nidaamkii dalka ka talinayay shantii sanno ee lasoo dhaafay.

Waxa uu sheegay xildhibaanka doorashadii Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Sheekh Aadan Madoobe muujineyso tabar darida kooxda Nabad iyo Nolol uu sheegay in dalka fashil u horseedeen shantii sanno ee lasoo dhaafay.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in uu filayo in Madaxweyne Farmaajo uu isaga hari doono doorashada sida uu sameeyay Maxamed Mursal, waxa uuna xusay in uu niyad jabsan yahay Farmaajo aadna u liidato rajadiisa.

Doorashada guddoonka Aqalka sare iyo Guddoomiyaha gollaha shacabka ayaa sii xumeesay rejada uu Madaxweyne Farmaajo ka qabay in mar kale loo doorto Madaxweyne , waxaana dadka siyaasadda falanqeeya saadaalinayaan in Farmaajo doorashada ka tanaasulayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Iran ay soo riday dayuuradii rakaabka aheyd ee Ukraine?

Caydiid Ali

(Akhriso) Beesha Caalamka oo soo saartay war aysan ku farxin Maamulka Muuse Biixi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---