Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo shaacisay iney leysay inta badan Saynisyahanadii Nuclearka Iran

Warbaahinta Al Jazeera oo soo xiganaysa Channel 12 ee Israa’iil ayaa sheegtay in weerarkii xoogganaa ee saaka lagu qaaday xarumaha Iran uu sababay dhimashada inta badan saynisyahannadii ku howlanaa barnaamijka hubka nukliyeerka.

Weerarkan oo si gaar ah loo bartilmaameedsaday xarumaha cilmi-baarista iyo keydka hubka culus ayaa la rumeysan yahay inuu yahay midka ugu khasaaraha badan ee Iran soo gaara tan iyo billowgii xiisadda.

Ilaa hadda dowladda Iran kama aysan bixin war rasmi ah oo caddeynaya khasaaraha dhabta ah, inkastoo warbaahinta gudaha ay ka hadleen dhaawacyo iyo weerarro joogto ah oo dhanka cirka ah.

Sidoo kale, waxaa isa soo taraya cabsida laga qabo jawaab adag oo Iran ay ka bixin karto weerarkan, taas oo laga yaabo inay saameyn ku yeelato gobolka oo dhan.

Wakaaladda wararka Iran ee Tasnim, sidoo kale waxay xaqiijisay in weerarka Israa’iil lagu dilay labo saynisyahan oo ka mid ah kuwii ugu muhiimsanaa barnaamijka nukliyeer Iran oo kala ah; Mohammad Mahdi Tehranchi iyo Fereydoon Abbasi.

Tehranchi waxa uu ahaa guddoomiyaha jaamacadda Islaamiga ah ee Azad ee Iran, halka Fereydoon Abbasi uu ahaa madaxii hore ee ururka Tamarta Atoomikada ee Iran. Waxaa lagu dilay weerar duqeyn ah oo  ka dhacay dhismayaal ku yaalla Tehran.

Related posts

Madaxweyne Putin oo tanaasul sameeyay kaddib hanjabaadii Trump

Cabdi Cade

Kenya oo meel dhigatay go’aankii ay qaadan laheyd haddii Somalia loo xukumo Badda

Caydiid Ali

Booliska DF oo ka hadlay haweeney gabar todoba jir ah dil ugu geysatay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---