RW Israel ayaa markii u horeysay ka hadlay weerarka saaka Israel ku qaaday Iran oo lagu laayey saraakiishii ugu sareeyey ciidanka Iran iyo qaar ka mid ah xarumaha Nuclearka.
Waxaan bilownay howlgal lagu fashilanayo barnaamijka nukliyeerka Iran, Hadafka hawlgalkan aan hore loo arag ayaa ah in la duqeeyo xarumaha Nukliyeerka Iran. Waxaan ku jirnaa waqti xasaasi ah taariikhda Israa’iil — Iran wali waxay leedahay awood ay nagu garaacdo, taasna waanu u diyaargarownay. Waxaan shacabkeena ka codsanayaa in maalmaha soo socda la wada shaqeeyo.” ayuu yiri Netanyahu.
Telefishinka Channel 13 , ayaa sheegay weerarka lagu qaaday Iran in wajiga koowaad lagu beegsaday xarumaha saraakiisha sare ee Iran oo ay sheegeen in lagu dilay taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida, taliyaha ciidanka ilaalada kacaanka iyo saynisyahannada nukliyeerka Iran.
Weerarka inta uu socday , waxaa kaloo ay Israa’iil qarxisay xarumaha muhiimka ah ee nukliyeerka Iran.
Wargeyska Walla, ayaa dhankiisa ka soo xigtay ilo dhanka ammaanka ah inta uu socday in lagu dilay madaxdii u sarreysay ciidanka Iran iyo saynisyahannada nukliyeerka Iran.
Sarkaal ka tirsan hay’adaha amniga Israa’iil ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad inay gudaha Iran ka howl-galeen kahor weerarradii ay Israa’iil saakay ka fulisay gudaha Iran.
Warbixintani waxay muujinaysaa in weerarradii Israa’iil ku qaaday Iran aysan ahayn oo keliya gantaallo ama weerarro cirka ah, balse ay horay u socdeen howlgal sirdoon oo dhulka ah oo ay fuliyeen ciidamada khaaska ah ee Mossad. Tani waxay tilmaamaysaa in weerarka uu ahaa mid si qoto dheer loo qorsheeyay, loogana shaqeeyay gudaha Iran lafteeda, taasoo cabsi hor leh ku abuureysa laamaha amniga Iran. Waxaa sidoo kale xusid mudan in ay tani ka dhigan tahay in Israa’iil ay heysato awood sirdoon iyo galitaan gudaha ah oo weyn.
Warbixinta, waxaa kaloo ay fikrad naga siinaysa dilalka taliyayaasha sare iyo saynisyahannada Iran, inan lagu geysan duqeymo ee sidoo kale weerarro gudaha ay ka qeyb qaateen, tan oo aan tixraac ka dhigan karno weerarrada saakay ka dhacay Tehran inay ku jireen weerarro loo diyaariyay hab la mid ah weerarkii loo adeegsaday walxaha qarxa oo sariirta uu ku seexanayay loogu xiray hoggaamiyihii hore ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniya oo sannadkii hore lagu dilay gudaha Tehran