Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiiradda oo maanta ansixiyay xeer-nidaamiye muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara, si loo ilaaliyo badqabka isgaarsiinta dalka.

Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan diyaar garowga toddoobaadka xorriyadda iyo Imtixaanka Qaranka ee sanad dugsiyeedka 2025, kaas oo si rasmi ah maalinta sabtida ah uga bilaabmi doona gobollada dalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa laga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga, xasillinta iyo dardargelinta howlgallada dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo goluhu bogaadiyey geesiyaasha ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee naftooda u huraya difaaca dalka.

 

Related posts

(Daawo Sawirro) Deni oo arrimo uu damacsan yahay kala hadlay Ms. Kiki Gbeho

Caydiid Ali

Soomaaliya oo loogu deeqay aduun gaaraya 18 milyan oo dollar & Wasiir Axmed oo ka hadlay

Caydiid Ali

Burcad badeed sii daysey markab ku afduubnaa xeebaha Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---