Mas’uuliyiin ka kala socda Mareykanka iyo Iran ayaa wadahadallo fool ka fool ah ku yeeshay magaalada Muscat ee caasimadda Oman, iyagoo isku dayaya in ay gaadhaan heshiis cusub oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iran.
Horey waxaa u jiray heshiis nukliyeer oo ay kala saxiixdeen Iran iyo quwadaha waaweyn ee caalamka, balse sannadkii 2018, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanku uu ka baxayo heshiiskaas, isagoo sidoo kale Iran saaray cunaqabateyn dhaqaale, taasoo si rasmi ah uga xanaajisay Tehran.
Markii uu xilka la wareegay, Madaxweyne Trump wuxuu bilaabay wadahadallo cusub oo ku saabsan heshiis nukliyeer oo cusub oo uu Iran la yeelanayo, wuxuuna uga digay in haddii wadahadalladaasi si guul leh ku dhammaan waayaan, ay suurtagal tahay in tallaabo milatari laga qaado dalkaas.
Maxaa loo diiday in Iran ay yeelato hubkeeda nukliyeerka ah?
Iran waxay ku adkaysaneysaa in barnaamijkeeda nukliyeerku uu ujeedkiisu yahay mid nabadgalyo oo rayid ah oo ayna damacsanayn samaynta hub nukliyeer ah. Balse dalal badan iyo hay’adda caalamiga ah ee kormeerta arrimaha nukliyeerka, ee International Atomic Energy Agency (IAEA), ma aaminsana arrintaas.
Shaki ayaa ka dhashay ujeeddooyinka Iran sanadkii 2002, kadib markii la ogaaday in dalkaasi uu lahaa xarumo nukliyeer oo qarsoodi ah.
Heshiiska NPT wuxuu oggolaanayaa in dalalku ay u isticmaalaan teknoolojiyadda nukliyeerka ujeeddooyin aan milatari ahayn, sida caafimaadka, beeraha iyo tamarta, balse ma oggola samaynta hub nukliyeer ah.
Intee ayuu gaarsiisan yahay horumarka barnaamijka nukliyeerka ee Iran?
Tan iyo markii Mareykanku uu sanadkii 2018 ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee jiray, oo loo yaqaanay Qorshaha Isfahan Ficileedka Wadajirka ah (JCPOA), Iran waxay jebisay ballanqaadyadii ugu muhiimsanaa ee heshiiska, iyadoo uga jawaabtay cunaqabataynadii dib loogu soo rogay.
Iran waxay rakibtay kumannaan mashiinno casri ah (kuwaasoo lagu nadiifiyo uranium-ka), si ay u kobciso uranium-ta, taas oo si cad uga hor imaaneysa shuruudihii JCPOA.
Uranium loo kobciyay heerka 90% ayaa loo baahan yahay si loo sameeyo hub nukliyeer ah. Heshiiska JCPOA wuxuu Iran u oggolaanayaa oo kaliya inay kaydsato ugu badnaan 300 oo kiiloogaraam oo uranium ah oo lagu kobciyay 3.67%, taasoo ku filan tamarta nukliyeerka ee rayidka iyo cilmi-baarista, balse aan lagu samayn karin bam nukliyeer ah.
Si kastaba ha ahaatee, ilaa bishii Maarso 2025, hay’adda caalamiga ah ee tamarta atomikada (IAEA) waxay shaacisay in Iran ay haysato qiyaastii 275 kiiloogaraam oo uranium ah oo la gaarsiiyay heerka 60%.
Haddii Iran sii kobciso uranium-kan, si aragti ahaan ah, waxay ku filnaan kartaa in laga sameeyo lix illaa toddobo madax oo hub nukliyeer ah.
Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Iran ay uranium-kaasi u rogi karto walxo ku filan hal bam nukliyeer hal toddobaad gudahiis.
Sidoo kale, waxay carrabaabeen in Iran ay qaadan karto hal ilaa 18 bilood si ay u horumariso hub nukliyeer dhameystiran.
Qaar ka mid ah khubarada ayaa sheegaya in bam fudud la sameyn karo wax ka yar lix bilood.
Muxuu Trump uga baxay heshiiskii nukliyeerka?
Tan iyo sanadkii 2010, Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Midowga Yurub waxay Iran saareen cunaqabatayn dhaqaale oo aad u adag, sababo la xidhiidha tuhun ah in barnaamijkeeda nukliyeerka loo adeegsanayo samaynta hub nukliyeer ah.
Cunaqabatayntaas waxay Iran ka jareen suuqyada caalamiga ah ee saliidda, waxayna xannibtay hanti dhan $100 bilyan oo Iran ku lahayd dibedda. Natiijadii ka dhalatay, dhaqaalihii dalka wuu burburay, lacagtiisana waxay hoos u dhacday heer taariikhi ah, halka sicir-bararkuna uu si xad dhaaf ah kor ugu kacay.
Sanadkii 2015, Iran iyo lix dal: Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, Jarmalka, iyo Boqortooyada Ingiriiska (UK) waxay saxiixeen heshiiska JCPOA, kadib sanado badan oo wadahadallo ah.
Heshiiskani wuxuu Iran ku xadidayay hawlaheeda la xidhiidha barnaamijka nukliyeerka, wuxuuna siiyay hay’adda IAEA oggolaansho ay ku geli karto dhammaan xarumaha nukliyeerka ee Iran, isla markaana ay baaritaan ku samayn karto meelaha laga shakiyo.
Taa beddelkeeda, dalalkaas waxay oggolaadeen in ay cunaqabataynta ka qaadaan Iran.
Heshiiska JCPOA waxaa loogu talagalay inuu shaqeeyo muddo 15 sano ah, kadibna gebi ahaanba laga qaado cunaqabataynta.
Trump wuxuu heshiiskaas ku tilmaamay “heshiis xun” sababtoo ah ma ahayn mid joogto ah, mana uusan taaban barnaamijka gantaallada ridada dheer ee Iran, iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Trump wuxuu dib usoo rogay cunaqabatayntii Mareykanka isagoo qaadanaya siyaasad lagu magacaabay ‘Cadaadis darran’ si uu Iran ugu qasbo inay gasho heshiis cusub oo ballaadhan.
Go’aanka Trump waxaa sidoo kale saameeyay saaxiibada Mareykanka ee gobolka, gaar ahaan Isra’iil.
Isra’iil waxay ku andacootay in Iran weli ay sii waddo barnaamij nukliyeer ah oo qarsoodi ah, waxayna uga digtay in Iran ay ka faa’iidaysan karto balaayiin doolar oo looga siidaayay cunaqabatayntii, si ay u xoojiso awooddeeda milatari.
Maxay Mareykanka iyo Israa’iil hadda doonayaan?
Hadalkii Trump ee ku saabsanaa wadahadallada uu la leeyahay Iran wuxuu la yaab ku noqday Israa’iil. Inkasta oo uu muddo dheer sheegayay inuu gaari doono “heshiis ka wanaagsan” kii Qorshaha Isfahan Ficileedka Wadajirka ah (JCPOA), haddana Iran illaa iyo hadda way diidday inay wax ka beddesho heshiiskaas.
Trump wuxuu horey uga digay in Iran “la duqeeyn doono” haddii aysan saxiixin heshiis cusub.
La-taliyihiisa amniga qaranka, Mike Waltz, ayaa sheegay in Trump uu rabo “baabi’inta buuxda” ee barnaamijka nukliyeerka Iran, taasoo ay ku jiraan: nadiifinta uranium-ka, hubka nukliyeerka, iyo barnaamijka gantaallada istaraatiijiga ah.
Dhinaceeda, Iran waxay rejaynaysaa heshiis lagu xadidayo barnaamijkeeda nukliyeerka balse aan gebi ahaanba la joojin iyada oo looga beddelanayo in laga fududeeyo cunaqabataynta.
Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa yidhi: “Hadafkeenna waa in aan gaadhno heshiis caddaalad ah oo lagu saleynayo sinnaanta labada dhinac.”
Inkastoo Trump uu sheegay in ay jiri doonaan “wada-hadallo toos ah,” Araqchi wuxuu sheegay in wadahadalladii ka dhacay Oman aysan toos ahayn, islamarkaana ay kaliya yeesheen hadallo kooban isaga iyo danjiraha Mareykanka, Steve Whitkoff.
Araqchi wuxuu intaas ku daray in Iran ay diyaar u tahay wadahadallo ay la gasho Mareykanka, balse Trump waa inuu marka hore oggolaadaa in aan xal milatari lagu raadin doonin.
Kadib hadalkii Trump, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, wuxuu ku adkaystay in heshiiska keliya oo la aqbali karo uu yahay in Iran oggolaato inay gebi ahaanba baabi’iso barnaamijkeeda nukliyeerka.
Wuxuu arrinta u sharraxay sidan: “Annaga ayaa galeyna, waxaan qarxinaynaa xarumaha, waxaana burburinaynaa dhammaan goobahaas, iyadoo aan hoos tagayno kormeerka iyo gacanta Mareykanka.”
Walwalka ugu weyn ee Israa’iil waa in Trump uu oggolaado heshiis aan Iran si buuxda u keenayn in ay isdhiibto, balse loo soo bandhigo sidii guul diblumaasiyadeed.
Isra’iil, oo aan saxiixin Heshiiska Xakamaynta Faafinta Hubka Nukliyeerka (NPT), ayaa la aaminsan yahay inay leedahay hub nukliyeer, inkasta oo aysan si cad u xaqiijin ama u beenin.
Waxuu aaminsan yahay in hub nukliyeer oo ku jira gacanta Iran oo aan aqoonsan jiritaanka Israa’iil uu yahay khatar aad u weyn.
Miyay Mareykanka iyo Israa’iil weerari karaan Iran?
Mareykanka iyo Israa’iil labaduba waxay leeyihiin awood ciidan oo ay ku burburiyaan kaabeyaasha nukliyeerka ee Iran, balse howlgalkaas wuxuu noqon lahaa mid aad u adag, khatar badan leh, isla markaana leh cawaaqib fog.
Goobaha ugu muhiimsan ee nukliyeerka Iran waa kuwo dhulka hoostiisa ku yaalla, waxaana lagu gaari karaa oo keliya bambooyinka ugu awoodda badan ee dhulka dumiya. Mareykanku wuu haystaa noocaas bambooyinka, balse lama oga in Israa’iil ay haysato.
Iran waxay ku qasbanaan doontaa inay isdifaacdo, waxayna weerari lahayd bartilmaameedyo Mareykanku ku leeyahay gobolka, sidoo kale waxay gantaallo ku dhufan Israa’iil.
Howlgalkan noociisa ah, Mareykanku wuxuu u baahan lahaa inuu adeegsado saldhigyada milatari ee uu ku leeyahay Gacanka Beershiya, iyo maraakiibta qaada diyaaradaha dagaalka.
Si kastaba, waddamo ay ka mid tahay Qatar oo martigelisa saldhigga ugu weyn ee ciidamada cirka Mareykanka ayaa laga yaabaa inaysan oggolaan in laga weeraro Iran, iyagoo ka baqaya in Iran ay uga aargudato.
Source BBC
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com