Diyaarad ay leedahay shirkadda Air India oo ay la socdeen ugu yaraan 242 qof ayaa maanta burburtay wax yar kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Ahmedabad ee galbeedka Hindiya, sida ay ku warrantay shirkadda diyaaradaha iyo warbaahinta gudaha.
Faiz Ahmed Kidwai, oo ah madaxa agaasinka guud ee Duulista Rayidka, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP, in diyaaradda Air India duulimaadkeedu ahaa 171, Boeing 787, ay ku burburtay xaafad la deggan yahay oo lagu magacaabo Meghani Nagar shan daqiiqo ka dib markii ay duushay,iyadoo ku sii jeeday garoonka diyaaradaha Gatwick ee magaalada London.
Kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa wali ku howlan inay helaan meydadka dadka ku dhintay diyaaradan iyo haddii ay jirto cid ka badbaaday, balse shirkadda Air india, ayaa shaacisay waddamada ay u dhasheen dadka la socday diyaaradda; 169 waxay u dhasheen Hindiya , 53 qof waxay u dhasheen Ingiriiska, 7 qof waxay u dhasheen Boortaqiiska, 1 qof kale wuxuu u dhashay Kanada.
Waa shilkii u horreyay ee ay galayso diyaarad ka mid ah nooca ay soo saarto shirkadda Mareykanka ah ee Boeing 787-8 Dreamliner, oo ka mid ah diyaaradaha ugu horumarsan ee rayidka ay adeegsadaan.