Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal Mareykan ah oo fashiliyay qorshe ay Israa’il weerar ku geysan rabtay oo…

Sarkaal horey uga tirsanaan jirey Hay’adda Dhexe ee Sirdoonka Mareykanka (CIA) oo dusiyey xog xasaasi ah oo ku saabsan qorshe Israa’iil ku weerari rabtay ayaa lagu xukumay 3 sano oo xarig ah.

Asif William Raxmaan oo 34 sano jir ah ayaa qirtay in uu bishii Jannaayo si kas ah u kaydsaday islamarkaana u faafiyey xog sir ah oo taabaneysa amniga qaranka, sida uu qabo xeerka basaasnimada.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in Raxmaan oo adeegsanaya ruqsad heerkeedu sarreeyo uu daabacday, sawirtay, dabadeedna diray qoraal sireed xasaasi ah, ku waas oo markii dambe la wareejiyey baraha bulshada.

Isra’il ayaa bishii Oktoobar fulisey weerarro ay la beegsatay goobo ‘militari’ oo ku yaal dalka Iran, taas oo jawaab u ahayd gantaallo Tehran ku garaacday Isra’il todobaad ka hor.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si maamuus leh u qaabilay Axmed Burhaan Max’ed (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xoghayihii joogtada ee Xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo is casilay (Ogow Sababta)

Cabdi Cade

Doonyo kalluumeysi oo lakala qabsaday iyo xiisad ka dhalatay oo taagan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---