Milkiilaha Astaan cable TV oo laga sii daayey xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa

Waxaa goor dhow xabsiga Magaaladda Hargeysa laga sii daayey Milkiilaha Astaan Cable TV Cabdi-manaan Yuusuf oo bilihii  lasoo dhaafay ku xirnaa Somaliland.

Sii deynta Cabdi-manaan waxaa xaqiijiyey Cabdi-maalik Muuse Coldoon oo ah weriye ku sugan Somaliland.

“Waxaa hadda xabsiga laga sii daayay Cabdimanaan Maamulaha guud ee warbaahinta Astaan oo bishii hore maxkamad ku taalla hargeysa ku xukuntay 5 sanadood oo xarig ciqaabeed ah, ganaax lacageed iyo xayiraad lagu rogay warbaahintiisa” ayuu yiri C/maalik Coldoon.

Milkiilaha Astaan Cable TV Cabdi-manaan Yuusuf ayaan la ogeyn weli qaabka loo sii daayey, maadaama dhowaan shan sano lagu xukumay, Maamulka Somaliland-na weli kama hadlin hase ahaatee warar ayaa sheegaya cafis madaxweyne lagu sii daayay Cabdimanaan Yuusuf.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -