Allbanaadir.com
NEWS

Xoghayihii joogtada ee Xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo is casilay (Ogow Sababta)

Xoghayihii joogtada ee  Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa qoraal dheer uu soo saaray maanta oo Axad ku shaaciyay in uu  iska casilay xilkii uu xukuumadda u yahay.

Qoraalka uu soo saaray Maxamed Abuukar Zubeyr ayuu ku sheegay in uu si iskiis ah u go’aansaday in uu xilka iska casilo, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uga mahadceliyay shaqadan uu horey ugu igmaday waxbana kala soo shaqeeyay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta is-casilaad Zubeyr ay ku timid cadaadis kaga yimid xafiiska Ra’isul Wasaaraha, waxaana marar badan la sheegay in ay jireen isku dhacyo iyo khilaafaad u dhaxeeyay xoghyaha iyo madaxda ka sarreysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni & James Swan oo ka wada hadlay xalinta khilaafka dowlada Somalia & Jubbaland (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda iyo Galmudug oo la yimid qorshe dadkii ka qaxay Xarardheere dib loogu soo celinayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Qaar ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo xabsiga loo taxaabay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---