Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Muungaab ayaa caawa xilka ka qaaday labo guddoomiye degmo , isagoona magacaabay guddoomiyaal cusub.
Wareegto uu soo saaray duqa Muqdisho, ayuu xilka uga qaaday guddoomiyaashii degmooyinka Dharkeenley iyo Waabari Maxamuud Xaaji Cali iyo Maxamed Sayid Cali, waxa uuna guddoomiyaal cusub u magacaabay Cumar Meyre Macow iyo Xuseen Xasan Maxamuud.
Wareegta xil ka qaadista iyo magacaabusts uu soo saaray Muungaab ayaa u qorneed sida tan:
𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲𝐚𝐚𝐥 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨.
Muqdisho, 11 June 2025: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Magacaabay Guddoomiyeyaasha kala ah;
1- Mudane Cumar Meeyre Mocoow, waxaa loo Magacaabay Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey.
Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey laga qaaday Md. Maxamuud Xaaji Cali Fiidoow.
2- Mudane Xuseen Xasan Maxamuud, waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Waaberi.
Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Waaberi laga qaaday Md. Maxamed Sayid Cali.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay Guddoomiyeyaasha cusub in ay mudnaan siiyaan harumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga.