Soomaaliya oo kaalin aan wanaagsaneyn ka gashay liiska xorriyadda saxaafadda Caalamka

Hay’adda u dooda Xuquuqda Suxufiyiiinta ee RSF ayaa soo saartay Qiimaynta Sanadlaha ee Xorriyadda Saxaafadda ee Caalamka.

Hay’adda Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn ee Reporters Without Borders (RSF) oo Xarunteeda Dhexe ku taallo Caasimada dalka Faransiiska ee Paris waxay soo saartay Warbixintaasi shalay (April 3-da) oo ku beegnayd Maalinta Caalamiga ee Xorriyadda Saxaafadda.

RSF waxay soo bandhigtay Qiimeynta Liiska 180 Dal ee Heerarka Xorriyadda Saxaafadda iyo Tacadiyada ka dhanka ah Shaqaalaha Hay’addaha Warbaahineed ee Caalamka.

Tobanka dal ee ugu wanaagsan Dhowrida Xuquuqda Suxufiyiiinta iyo Xorriyadda Saxaafada waxay kala yihiin:

1- Norway 🇳🇴,
2- Denmark 🇩🇰,
3- Sweden 🇸🇪,
4- Netherlands 🇳🇱,
5- Finland 🇫🇮,
6- Estonia 🇪🇪,
7- Portugal 🇵🇹,
8- Ireland 🇮🇪,
9- Switzerland 🇨🇭,
10- Germany 🇩🇪.

Sidoo kale, Qiimaynta RSF waxaa lagu soo bandhigay Tobanka dal ee ugu hooseeya Heerka Dhowrista Xuquuqda Suxufiyiiinta iyo Xorriyadda Saxaafadda, waxayna kala yihiin:

1- Myanmar 🇲🇲,
2- China 🇨🇳,
3- Bahrain 🇧🇭,
4- Vietnam 🇻🇳,
5- Turkmenistan 🇹🇲,
6- Iran 🇮🇷,
7- North Korea
8- Afghanistan 🇦🇫,
9- Syria 🇸🇾,
10- Eritrea 🇪🇷

Warbixinta Hay’adda Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn ee Reporters Without Borders (RSF) waxaa kaloo markii ugu horeysay lagu muujiyey inuu Heerka Xorriyadda Saxaafadda ee dalkeena Hooyo sare u kacay, halkii aybhorey Somalia uga mid noqon jirtay dalalka ugu heerka hooseeya Dhowrida Xuquuqda Suxufiyiiinta iyo Xorriyadda Hadalka.

Dhinaca kale, Liiska u dambeeyey ee ay Hay’adda RSF shalay soo daabacday waxay Somalia 🇸🇴 Qiimaynta Sanadlaha ee Xorriyadda Saxaafadda kaga jirtaa Kaalinta 145-aad.

Markaynu guudmar ku samayno Liiskaasi, waxaa jira Waddamo Caan ah oo heerkooda Dhowrida Xuquuqda Suxufiyiiinta ka heer hooseeyaan dalkeena.

Tusaale ahaan Sudan 🇸🇩 oo gashay kaalinta 149-aad, dalka Türkiye 🇹🇷 oo ka soo muuqatay Kaalinta 158-aad, Imaaraadka Carabta 🇦🇪 Kaalinta 160-aad, Djibouti 🇩🇯 Kaalinta 161-aad, Sacuudiga 🇸🇦 Kaalinta 166-aad, Iraq 🇮🇶 Kaalinta 169-aad, Masar 🇪🇬 Kaalinta 170-aad, Shiinaha 🇨🇳 172-aad iyo Bahrain 🇧🇭 Kaalinta 173-aad.

WQ Ustaad Nuradin Abuukar

- Advertisement -