Allbanaadir.com
NEWS

Iran shaacisay goobaha ay weerari doonto haddii Mareykanka duullaan kusoo qaado

Dowladaha Iran iyo Mareykanka ayaa mar kale ku ballansan wadaxaajood ay ka yeelanayaan hubka Nukliyeerka Iran, waxaana aad u yar rejada laga qabo in wadahadalka labada dal u dhaxeeya uu noqdo mid miro-dhala oo guul kusoo dhammaada.

Wasiirka Difaaca dalka Iran, Jen. Aziz Nasirzadeh, ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa xaalad kasta uu diyaar u yahay, waxa uuna Wasiirka shaaciyay in rejo ka filayaan wadahadalada Mareykanka la leeyihiin, haddii ay fashilmaan oo dagaal dhacana ay diyaar u yihiin in ay is difaacaan.

Jen. Aziz Nasirzadeh, ayaa caddeeyay haddii ay fashilmaan wadahadalada Mareykanka la leeyihiin , uuna taa badalkeeda Mareykanka weerar kusoo qaado, in iyana ay weerari doonaan saldhigyada Mareykanka ku leeyahay dalalka ariga Dhaxe kuyaalla.

“In kasta oo aan ku rajo weynahay in la gaaro xal diblomaasiyadeed oo guuleysta, waxaan u diyaargarownay xaalad kasta, haddii colaad nalagu qasbo, cadowgu wuxuu la kulmi doonaa khasaare weyn, haddii ay dhacdo, Mareykanka waxaan ku qasbi doonaa inuu ka baxo gobolka. Dhammaan saldhigyada Mareykanka waa mid aan awoodno, mana ka waaban doono inaan ku weerarno dhulka dalalka ay ku sugan yihiin.” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Iran.

Wasiirka Difaaca dowladda Iran , ayaa shaaciyay in dhawaan tijaabiyeen gantaal ay ku rakiban yihiin madax 2-tan ah, oo awood u leh inuu burburiyo saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla dalalka Carbeed iyo kuwa kale ee bariga dhexe.

Dowladda Mareykanka , ayaa marar badan ku hanjabtay in ay weerari doonto dalka Iran, haddii ay fashilmaan wadahadalada lagu doonayo in Iran meesha uga saarto hubkeeda Nukliyeerka, halka dowladda Iran iyana diidan tahay cadaadiska Mareykanka iyo Israa’iil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dekadda Boosaaso oo xalay xoolo tiro badan laga dhoofiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay mooshinkii ay ka soo gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka

Caydiid Ali

Jadwalka doorashada xubnaha Aqalka sare ee Hirshabelle oo la soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---