Rag bastoolado ku hubeysan oo dil ka geystay Magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa toogasho ku dishay maanta oo Jimce ah qof shacab ah, xaafadda Kaawo-Godey ee degmada Dharkeynley, magaalada Muqdisho.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Salaad ayaa inuu gaadiidka ka rari jiray isgoyska Suuqa Kaawo-goday, iyadoo ay rasaas ku fureen rag ka kooban laba nin oo Bisloolado ku hubeysnaa, wuxuuna ku geeriyooday goobtaasi.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay dilka kadib baxsadeen dableydii geysatay. Waxaa markii dambe halkaasi gaaray ciidamada Booliska Soomaaliya.

Lama oga illaa hadda sababta loo dilay ninkan iyo waxa ay ahaayeen ragga falka geystay, waxaana dilalka noocan ah ay mar walba si joogto ah uga dhacaan magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -