Qaar ka mid ah agaasimeyaasha Wasaaradaha DF oo xil ka qaadis wajahaya

Qaar ka mid ah agaasimeyaasha Wasaaradaha xukuumada Somalia ayaa wajahaya xil ka qaadis ka dib markii loo jeediyey eedeymo kala duwan.

Waxaa intooda badan lagu eedeynayaa iney ku kaceen musuq iyo dembiyo kale, halka qaar kalena loo heysto xil gudasho la’aan iyo amar diido

Agaasimayaasha Xilalka laga qaadayo waxaa ka mid ah

1-  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga
2-  Agaasinmaha Guud ee Wasaaradda Batroolka
3-  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
4-  Agaasima Guud ee Wasaaradda Waxbarashada
5-  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha
6- Agaasimaha Guud ee    Wasaaradda Aminga Qaranka

Wasiirada lixda Wasaaradood ayaa la sheegay iney dacwado ka dhan ah agaasimyeyaasha wasaaradahooda gaarsiiyey xafiiska Ra’isul Wasaaraha, iyagoo dalbanaya in laga bedelo ka dib markii ay wada shaqeyn waayeen.

Raisul Wasaaraha Somalia ayaa dhowaan ka dalbaday Golihiisa wasiirada ineysan ku deg degin eryida agaasimeyaasha Wasaaradaha, hadii ay jiraan kuwo shaqadooda gudan waayeyna ay la soo xiriiraan xafiiskiisa si baaritaan loogu sameeyo, ka dibna talaabada ku haboon looga qaado.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xilka ka qaadista agaasimeyaasha qaarkood ay diidan yihiin siyaasiyiin iyo xubno xilal sare ka haya DF oo ay heyb wadaag yihiin, iyagoo dalbanaya in xitaa hadii laga qaado xilalka loo wareejiyo xilal kale sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan oo lagu kalsoon yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -