Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay beenisay warar lagu faafinayay warbaahinta Soomaalida & baraha bulshada, kuwaasoo la xiriira safarka wafdiga rasmiga ah ee ka qeybgalay Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah (ILO) ee ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Shabakada allbanaadir ayaa baahisay inĀ xubno ka tirsanaa Wafdi ka socday Dowladda Federalka Somalia oo ku sugnaa Switzerland ay u baxsadeen wadamada Yurub
Wafdiga ayaa ka koobnaa 23 xubnood waxaana ka qeyb galay shirka 10 xubnood oo kaliya halka inta soo hartay ay baxsadeen kuwaasoo markii horeba ahaa dad tahriibayaal ah oo lacago kumanaan dolar ah looga qaatay sidii wafdiga loogu dari lahaa, looga geyn lahaa qaarada Yurub sida ay xaqiijiayan ilo xog ogaal ah.
Wasaaradda oo ceebtaas daba taagan ayaa hadda bilowday iney beeniso jiritaanka Ā arrintaas waxay soo saartay War-saxaafadeedkan hoose.