Mahad Salaad: “Madaxda dalku waa ineysan u hogaansamin caga jugleynta Kenya”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida Baarlamaanka Soomaaliya ayaa go’aankii xalay dowlada Kenya xiriirka ugu jartay dowlada Somalia sababo la xiriira dhul badeedka lagu muransan yahay.

Mahad Salaad ayaa sheegay in difaaca dalka uu yahay muqadas, xitaa haddii lagu kala duwan yahay aragtida siyaasadeed.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis ay ku fashilmeen maareynta siyaasada arimaha dibedda Soomaaliya mudadii labada sano ahayd ee ay xukunka joogeen, iyagoo galay dagaallo siyaasadeed oo qaanada cadowga koobaad ee Soomaaliya lagu galiyay dowlado badan oo saaxiib la ahaa Soomaaliya ka hor 8-dii February 2017.

“Sidaasoo ay tahay, waxaa waajib nagu wada ah dhamaanteen inaan meel iska dhigno farqiga siyaasadeed ee inoo dhaxeeya, una istaagno difaacida midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya. Sababtoo ah waxa aan ku kala aragti duwanahay waa siyaasad majara habowsan iyo habdhaqanka hoggaanka dalka, laakiin dalku waa hanti aan wada leenahay, qof walibana ay waajib ku tahay inuu dhinaciisa ka difaaco” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inaysan u hoggaansamin cadaadiska iyo cago-jugleynta dowlada Kenya, isla markaana aysan gorgortan ka gelin taako ka mid ah ciida Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -