Aargada KM-0 ee magaalada Muqdisho oo si qurux badan loo dhisay (Daawo Sawirada)

Wakaalada horumarinta dhismaha qaranka Soomaaliyeed uu maareeye ka yahay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa dib u dhis ku sameesay Aargada KM-O ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray dib u dhiska lagu sameeyay aargada KM-0 .

Aaragasa KM-0 ayaa ah halka ay ka bilaabato tirada cabirka laga qaado guud ahaan gobolada dalka iyo degmooyinkiisa, waxaana darbiga aaragadan  lagu qoray qaar kamid ah degmooyinka dalka iyo inta ay isku jiraan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku amaanay Wakaalada horumarinta Dhismaha Qaranka dib u dhiska ay ku sameesay Aargadan, waxa uuna tilmaamay in dhismahan la qurxiyay ka qeyb qaadanayo bilicda Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -