Wasiir Ducaale oo booqday xerada tababarka ciidamada ee Har-qaboobe (Sawirro)

Wasiirka Amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale oo maanta socdaal ku tegay magaalada Guriceel ayaa booqday xerada Har-qaboobe ee tababarku uga socdo ciidamada xoogga dalka ee loo diyaarinayo xoreynta deegaannada Galmudug.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo saraakiisha ciidanka ka xog wareystay xaaladda ciidanka tababarka ku jira iyo sida ay u socdaan howlaha ciidamada loogu diyaarinayo baacsida cadawga ummadda iyo soo celinta sharafta Soomaaliyeed, ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay gacan bir ah ku qabtaan cawaga ummadda Soomaaliyeed.

Taliyaha Guutada 15-aad ee qaybta 21-aad oo wasiirka Amniga gudaha uga warbixiyay sida uu u socdo tababarka, ayaa sheegay in ay ciidanku u diyaarsanyihiin gudashada waajibaadka ka saaran Galmudug iyo guud ahaan ilaalinta qarannimadda.

Mudane Maxamed Abuukar oo saraakiisha ciimadama tababareysa u mahadceliyay, ayaa ciidanka u rajeeyay in ay ku guuleystaan ilaalinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.

Ciidanka lagu tababarayo xerada Har-qaboobe ayaa qayb ka ah ciidamada taliska qaybta 21-aad ee loo diyaarinayo xoreynta guud ahaan deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug si loo hubiyo fulinta mashaariicda horumarineed loona gaarsiiyo adeegyada bulsho ee xaqa ay u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -