Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo sheegtay iney aqoonsiga kala laabatay Somalia

Somaliland ayaa shaacisay inay aqoonsigii kala noqotay dowlada Soomaaliya hadda kadibna ay ugu yeerayso “Maamulka Soomaaliya”

War saxaafaddeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu naqdiyay sheegashada Somalia ee dhulka Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxa ay sheegtay in Somaliland ay ahayd qaran madaxbannaan oo 26kii June 1960kii xornimadeeda ka qaadatay Ingriiska, isla markaana ay aqoonsadeen 35 dal.

Xukuumadda Somaliland waxa kaloo ay bayaamisay in midowgii Somaliland la gashay 1960kii Soomaaliya aan la ansixin oo shacbiga Somaliland afti ku diideen sannadkii 1961kii. Waxaanay xustay in arrintaasi ay ahayd  wixii uu ka dhashay  xasuuqii loo geystay  shacbiga Somaliland, taasi oo keentay in 1991kii Somaliland dib ula soo noqoto madaxbannaanideedii.

Somaliland ayaa dhinaca kale waxay cambaareysay khariirad ay baahisay BBC-du oo ka dhigay Somaliland inay qayb ka tahay Soomaaliya. Waxayna intaas ku dartay in khariiradaasi ay wax u dhimayso wax loogu yeeray madaxbannaanida Somaliland.

“Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa ay ugu baaqday idaacadda BBC-da maadaama oo ay tahay warbaahin caalamiya inay dhawrto sugnaanshaha wararka. Waxa kaloo ay BBC-da ku boorisay inay khariiradaas ka saaraan warbaahuntooda, isla markaana  saxaan iyo inay yaqiinsadaan madax bannaanida xudduudaha Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka

HOOS KA DAALACO WAR-SAXAAFADEEDKA SOMALILAND.

Related posts

DF oo Soomaalidii u horeysay ka soo celineysa Jarmalka

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka dhex qarxay Soomaalida & Oromada Itoobiya

Caydiid Ali

Maxkamada ICJ: Geerida James Crawford saameyn kuma yeelaneyso dacwada badda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---