Dad ka badan Lixdan kun oo qof oo shaqo ku helay la dagaalanka Cudurka Caronavirus

Wadamo badan oo caalamka kuyaala ayaa ku qasbaanaday in ay dabciyaan xayiraadihii ay horey usoo rogeen kadib dhibaato dhaqaale oo lasoo daristay wadamadaasi, hadana waxa ay wadaan qaar kamid ah wadamadaasi dadaalo looga hortagayo in cudurkan sii faafo.

Dalka Talyaaniga oo kamid ah wadamada sida daran uu u sameeyay cudurka Caronavirus ayaa dabciyay xayiraadii mudada labada bil saarnaa dadka u dhashay dalkaasi, waxaana  dadka loo ogolaaday in ay banaanka u baxaan .

Dowlada Talyaaniga ayaa si looga hortago in cudurka Caronavius kusii faafo bulshada dalkaasi shaqaaleesiisay dad ka badan 60-kun oo qof oo u badan dhalinyaro horey shaqo la’aan baahsan u heesatay.

Dhalinyaradan dowlada shaqaaleesiisay ayaa dadka ka wacli galinaya cudurka Caronavirus, waxa ayna dadka u sheegayaan in ay qaataan talooyinka dowlada uga hortageyso cudurkan faafitaankiisa sida in ay kala fogaadaan ayna dadku xirtaan maasgaro.

Dadkan dowlada shaqaaleesiisay ee u badan dhalinyarada awood uma lahan in ay ganaaxaan dadka jabiya nidaamka looga hortagayo in uu faafo cudurka Caronavius, waxa ayna kaliya dhalinyaradan talo ka siinayaan bulshada si uusan cudurka usii faafin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -