Israel aya qiratay geerida Shan askari ee ku dhintay burburka dhisme ku yaalla degaanka Khan Younis ee Marinka Gaza kuwaasoo ka tirsanaa cutubka khaaska ah ee Maglan ee ciidanka Yuhuuda.
12 kale ayaa la geeyay Isbitaalada, labo ka mid ah waxay ku jiraan xaalad halis ah, waxaana askartan lagu laayey markii ay galeen dhisme ay miinooyin ku xireen Xamaas oo lagu qarxiyey.
Maanta waxay ahayd maalin murugo oo adag Waxaa naga dhintay shan ka mid ah geesiyaashayada” ayuu yiri RW Netanyahu oo ka hadlayey dhacdadan.
Afhayeenka Al-Qassam, Abu Cubayda, ayaa sheegay in shacabka Israel aanay haysan wax kale oo doorasho ah marka laga reebo in ay ku qasbaan hoggaamiyayaashooda inay joojiyaan dagaalka, ama ay isu diyaariyaan si ay u qaabilaan meydadka carruurtooda.
Isagoo hadallo taxane ah soo dhigay bartiisa TelegramAbu Cubayda wuxuu sheegay in khasaaraha xooggan ee uu Israel kala kulantay Khan Younis iyo Jabaliya uu yahay qeyb ka mid ah howlgallo tayo sare leh.
Wuxuu sii raaciyay hadalkiisa: “Mujaahidiinteennu, oo ah dhaxal-sugayaashii nebiyada, weli waxay dhagaxyo ku tuurayaan gaadiidkii Gideon sida uu Nabi Daa’uud ugu dhuftay, waxayna burburinayaan kibirka iyo isla weynida gumeysiga.”