Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dilal caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa caawa labo nin ku dilay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan wararka degmadaas naga soo gaaraya.

Labada nin ee la dilay oo midkood magaciisa lagu sheegay cadaan ayaa la sheegay iney ahaayeen dad shacab ah, waxaana lagu toogtay meel ku dhow saldhiga booliska degmada Kaaraan.

Ragga dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, waxaana soo gaaray ciidamada booliska saldhiga Kaaraan oo sameeyey dabagal balse aan ku guuleysan iney soo qabtaan raggan.

Lama oga illaa hadda sababta loo dilay labada nin iyo cida ka dambeysay toona, waxaana falkan uu qeyb ka yahay falal amni daro ee had iyo jeer ka dhaca magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com  

Related posts

Vjosa Osmani oo loo doortay Madaxweyne cusub muddo shan sano ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo:- Ma Mudan yahay in Madaxwayne Farmaajo mar kale dib loo soo doorto (Fikirkaada ka dhiibo Qaybta Hoose)

admin

Bangiga Adduunka oo ballanqaad u sameeyay Ergay Cabdiraxmaan Cabdishakuur (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---