Allbanaadir.com
NEWS

Saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Gobolka Bakool oo la weeraray

Al-Shabaab ayaa xalay madaafiic ku weerartay Saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay maqlayeen xalay saqdii dhexe dhawaqa Hoobiyeyaasha ay Al-Shabaab la beegsanayeen Saldhiga Ciidamada Itoobiya.

Weli lama xaqiijin khasaaraha Ciidamada Itoobiya iyo Dadka Shacabka kasoo gaaray weerarkan Hoobiyeyaasha ah, mana jiraan saraakiil iyo masuuliyiin ka hadlay

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Itoobiya dhankooda ay madaafiic uga jawaabeen weerarka hoobiyeyaasha ah ee kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan.

 

Related posts

Itoobiya & QM oo ka heshiiyey qorshe muhiim ah oo khuseysa gobolka Tigray

Caydiid Ali

Dagaalkii Khartuum oo Maalintii labaad galay & qaraxyo culus oo laga maqlayo

Caydiid Ali

Laami cusub oo la saaray Mid ka mid ah jidadkii burbursanaa ee Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---