Allbanaadir.com
NEWS

Lacag loo ballanqaaday qofkii keena xogta xubno katirsan Al Shabaab oo Muqdisho…

Taliyaha qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi, ayaa shaaciyay in ruux kasta oo soo gudbiya xogta kooxaha khawaarijta ee falalka amni darada ka wada caasimadda la siin doono lacago abbaalmarin ah ,isla markaana la damaanad qaadi doono amnigiisa.

Macallin Mahdi , ayaa si gaar ah u tilmaamay in dadka soo sheega xogta qarsan ee Al-Shabaab iyo kuwa hoobiyaha ka rida daafaha magaalada lagu abbaalmarin doono lacag gaaraysa soddon kun oo doolar (30.000).

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir,waxa uu ka dalbaday bulshada in ay kala shaqeeyaan soo celinta amniga,isla markaana xil la iska saaro sidii loo soo qaban lahaa cid kasta oo wadda falal amni darro ah.

Dowladda Soomaaliya , ayaa marar badan sameysay ballanqaadyo lacageed oo lasii nayo ciddii keynta xogta xubno muhiim ah oo Al Shabaab, waxaana inta badan ballanqaadyada dowladda noqdaan kuwa afka baarkiisa un ku eg.

Related posts

Ciidamo ku dagaalamay Xarardheere iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Mashiinka “Ventilator” Ma u Yahay Lagama Maarmaan Badbaadada Bukaanka COVID-19?

Cabdi Cade

Muxuu Shariif ka yiri Xildhibaanadii lagu dhaariyey Kismaayo?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---