Allbanaadir.com
NEWS

Khilaaf cusub oo ka dhex qarxay Trump & saaxibkiis Elon Musk

Maalqabeenka Maraykanka ah ee Elon Musk ayaa cambaareeyay saxiixa Madaxweyne Trump ee nidaamka cashuuraha oo uu ku tilmaamay in uu yahay wax laga yaqyaqsado.

Aqalka Wakiillada bishii hore ayaa waxaa uu ansixiyay miisaaniyadda cashuur goynta oo gaaraysa trillion Doollar iyo kharashaad badan oo ku baxaya difaaca yo weliba nidaamyo dawladda Maraykanka u oggolaanaya inay amaahato lacago badan.

“Ceeb baa u sugnaatay kuwii u codeeyay,” ayaa Musk uu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X isaga oo ka hadlaya nidaamka ajandaha madaxweynaha marka labaad soo laabtay ee Trump.

Maalqabeenkan Maraykanka ah ayaa si lama filaan ah uga tagay maamulka todobaadkii hore kaddib markii 129 maalmood uu ka shaqaynayay siu u u dhimo kharashaadka kooxdiisa, oo loo yaqaan Doge.

Elon Musk qorshaha madaxweyne Trump ee dhimista canshuuraha iyo kharashaadka ku tilmaamay “wax laga xumaado” oo kordhinaya deynta Mareykanka ilaa $2.5 trillion. isagoo ballanqaaday inuu ka hor imaan doono qorshahan

 

Related posts

Dagaal Khasaare dhimasho sababay oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

NISA oo shaacisay Magacyada saraakiil Al-shabaab laga laayey

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Xasan Shiikh oo qaabilay Martin Griffiths & xubno la socday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---