Allbanaadir.com
NEWS

Dabley ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duleedka Gaarisa

Afar nin oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar ay kooxda howlgallada gaarka ah (SOG) ee Booliska Kenya ka fuliyeen Ismaamulka Gaarisa.

Sida ay ku warramayso warbaahinta gudaha Kenya Hawlgalka ayay Ciidanka Boolisku ku sheegeen inuu ahaa mid qorshaysan oo ay sirdoonku hoggaaminayeen, kaasoo ka dhacay deegaannada Naajo iyo Guracho oo la aaminsan yahay inay yihiin goobo muhiim ah oo ay ka hawl-galaan kooxdani.

Dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay in uu dhacay intaasi kaddib oo uu dhex maray dhinacyada.

“Markii la weeraray godka ay ku jireen, waxaa xigtay rasaas xooggan oo la is weydaarsaday, waase laga awood roonaaday argagixisada Al-Shabaab,” ayaa uu yiri boolisku.

Ciidanka Kenya ayaa sheegay in furteen hub ay ku jiraan AK-47 ah, qori PKM ah, rasaas badan iyo qalab isgaarsiineed oo ay isticmaalayeen ragga weerarka lagu dilay.

Related posts

Daawo Sawirada Sida Quruxda badan ee Kheyre loogu soo dhaweeyay magaalada Xudur

Cabdi Cade

Ciidanka NISA oo howlgal ku soo xiray xubno ka tirsan Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Tartan layaab leh oo lagu qabanayo Sacuudiga iyo hadal heyn badan oo ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---