Allbanaadir.com
NEWS

Tartan layaab leh oo lagu qabanayo Sacuudiga iyo hadal heyn badan oo ka dhalatay

Boqortooyada Sacuudiga ayaa la qorsheenayaa in lagu qabto tartan layaabka leh ee eeyaha, waxaana tartankan ka dhacaya Sacuudiga ka dhashay hadal heyn aad u badan oo bulshada ka imaaneysay.

Shabakadda Riyaad oo soo qabanqaabisay taratanka ayaa shaacisay in uu socon doon muddo labo maalmood ah, iyadoo ku micneysay in loo arko inay tahay dabbaaldeggii ugu horreeyay ee adduunka oo la isugu keeno afar horyaal oo Ey ah .

Tartankan ayaa inta uu socdo eeyaha ka qeybgalaya waxaa lagu qiimeyn doonaa kan ugu qurxoon,iyo kan ugu shaqada badan inta tartanka uu socado, waxaana eeygii ku guuleestaa la siin doonaa abaal-marin.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa sheegtay in tartankan ay ka qeyb galayaan in ka badan 250 eey oo laga kala keenay daahfah aduunka, waxaana tartan noqonaya amid dad badan layaab ku noqotay.

Baraha bulshada Sacuudiga iyo waddamada Carabta qaarkood ayaa si weyn looga hadal hayaa tartankan, dadka badankood ayaana layaab iyo wax aan fiicneyn ku tilmaamay in tartan nuucaan ah xilliga lagu qabto dhulka Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jabuuti oo War yaab leh ka soo saartay gardarada Itoobiya kula kacday Somalia

Caydiid Ali

Wiilal Walaalo ah la soo badbaadiyey 9 maalin kadib, Dhul-gariirkii Türkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo bilaabay olalihiisa doorashada & Shikh Shariif oo amaanay ciidankii bad baado Qaran!!

admin