Askari dab qabadsiiyey Markabka dagaalka USS Bonhomme oo dacwad lagu soo oogay

Ciidanka badda Maraykanka ayaa dacwad ka gudbiyay askari loo haysto in sanadkii 2020 uu dab qabadsiiyay markab dagaal oo lagu magacaabo USS Bonhomme Richard.

Askariga oo aan magaciisa la shaacin ayaa loo haystaa inuu dab qabadsiiyay gudaha markabka, kaasoo khasaaro baahsan dhaliyay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidanka badda oo lagu magacaabo Sean Robertson.

Markabka oo xilliga uu dabka ka kacayay ku xirnaa dekadda San Diego, California ayaa demintiisa waxa ay qaadatay muddo afar maalmood ah.

Dabka ayaa markabka ka kacay 12-kii July 2020, waxaana hawgalka deminta dabka oo qaatay afar maalmood ka qeyb qaatay diyaaradaha ciidanka badda iyo doonyo biyo badan ku shubay markabka

Ugu yaraan 40 askari iyo 23 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay dabkaas, waxaana markabkaas oo lagu sameeyey lacag hal bilyan oo dolar haatan laga dhigay howlgab, maadaama dayactirkiisa ay ku baxeyso lacag fara badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -