Maxkamada Ciidanka Jubbaland oo xukuntay xubno ku eedeysan Al-Shabaab (Sawirro)

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland waxaa maanta ka soo hor muuqday labo eedeysane oo lagu kala magacaabo Axmed Bishaar Maxamed iyo Cabdullaahi Xaamud Xaaji Muumin oo ku eedeysan in ay gacan saar la lahaayeen Al-Shabaab lagana soo qabtay degaanada Galbeed ee gobolka Jubada hoose.

Eedeysanaha koowaad oo lagu magacaabo Axmed Bishaar Maxamed waxa uu xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada Jubbaland ku soo eedeeyay in uu ahaa Nabaddoon ay Al-Shabaab magacaabeen kaasoo si dhow ula shaqeeyay isla markaana lacagaha baadda ah ee bulshada laga qaado uu usoo aruurin jiray, sidoo kale uu ahaa shaqsi xogta ciidamada Jubbaland ee deegaanadaasi howlgalka u taga u gudbiya Al-Shabaab.

Eedeysanaha labaad oo isna lagu magacaabo Cabdullaahi Xaamud Xaaji Muumin ayaa lagu soo eedeeyay in uu muddo kooban la falgalay Al-Shabaab gaar ahaana dhagar qabe ay qaraabo yihiin oo Kooxdaas ka tirsan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/le Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa furay fadhiga Maxkamadda.

Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Jubbaland G/le Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxkamadda ka hor akhriyay eedaha loo haysto labada eedeysane.

Labada eedeysane ee loo haysto gacansiinta iyo u adeegidda Al-Shabaab ayaa su’aalo la weydiiyay.

Gabagabadii Maxamadda Ciidamada Jubbaland ayaa xukun kasoo saartay kiiska eedeysanayaasha waxaana ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/lle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Cabdullaahi Xaamud Xaaji Muumin lagu waayey dembigii lagu soo eedeeyey ee ahaa inuu ka tirsan yahay al Shabaab, iyadoo amartay in la sii daayo.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa ka codsaday xeer ilaalinta iney Maxkamada cadeymo dheeraad ah oo muujinaya in Axmed Bishaar Maxamed uu ahaa nabadoon ay magacaabeen al Shabaab, lana shaqeynayey kooxdaas, maadaama buu yiri uusan qiran dembigaas, maxkamadana la horkeenin cadeymo cad oo muujinaya eedeynta loo jeediyey.

- Advertisement -