Ma aqrisay Farriinta uu soo diray musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre?

Musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan daah-furay ololihiisa doorashada. Si ka duwan sidii horay looga bartay musharrixiinta, Khayre waxuu lasoo shir tegay qaab ku cusub dalkeenna. Waxuu diyaariyay barnaamij siyaasadeedkiisa oo cod iyo qoraal ah, sidoo kale kooxda ololaha Khayre waxay sameeyeen application iyo website  www.khaire.so uu ku jiro barjaamij siyaasadeedka oo cod iyo qoraal ah.

Marka aa doo gasho website-ka ama aad la degto application-ka waxa ugu horreeya aad arkeyso waxaa farriinta uu u dirayo ummadda Soomaaliyeed oo u qoran sida tan.

Bismi Allahi al-Raxmaan al-Raxiim, Assalaamu Caleykum wa Raxmatu Allah.

Walaalayaal, dalkeennu, muddadii 60ka sano ahayd ee uu xorta ahaa, wuxuu soo maray duruufo adag oo siyaasadeed, amni, dhaqandhaqaale iyo bulsho.

Waxaa ugu cuslaa duruufahaas burburkii qaranka iyo dagaalladii sokeeye, kuwaas oo sababay colaad bulsho, burbur aan xad- laheyn iyo barakac aad u baahsan.

Dagaalladii sokeeye waxay sababeen Xagjirnimo hoos u dhigtay qaran-dhiskii, dadka qaarna ku abuurtay faham xumo diineed iyo qabyaalad baahsan oo la miciinsaday markii dowladnimadii fashilantay.

Xagjirnimada lala xiriiriyay diinta Islaamka waxay si gaar ah u dhashay argagixiso caalami ah oo khatar weyn ku ah amniga, nabadda, dowladnimada, horumarka dalka, jiritaanka qarannimo iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Laga soo billaabo Shirkii Carta ee sannadkii Labada kun oo dib loo dhisay dowladdii Soomaaliyeed, waxaa socday dadaallo la isugu soo celinayo dadkii Soomaaliyeed ee dagaalka sokeeye ku kala irdhoobay iyo dib u yagleelidda qarankii Soomaaliyeed.

Dadaalladaas muddada 20ka sano ka badan socday waxay nasoo gaarsiiyeen horumar billow ah iyo asaas dowladnimo.

Waxaan shaki ku jirin in aysan isku dhigmin dadaalladaas iyo heerka ay soo kabashadeennu gaarsiisan tahay.

Sidaas darteed, waxaan ku qanacsanahay in dalkeennu u baahan yahay hoggaan leh hiigsi iyo hufnaan uu kusoo celiyo dowlad dadku wada leeyihiin, dhawrtana Dastuurka iyo shuruucda dalka oo ku salaysan mabaadii’da Diinteenna Islaamka.

Aniga oo aragtidaas ka duulaya, hiigsigaygu wuxuu ku saleysanyahay xasilinta iyo horumarinta dalka, adkaynta cadaaladda iyo garsoorka, dowlad wanaagga, hagaajinta xiriirka heerarka dowladda, kobcinta dhaqaalaha, bixinta adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka.

Hawlahaas aan soo xusay lama xaqiijin karo haddii aan dadka Soomaaliyeed heshiis ahayn, lana adkeynin xiriirka aan la leenahay dowladaha caalamka ee danuhu naga dhexeeyaan.

Inkasta oo hawlahaasi baaxad weynyihiin, hadana, waxaan kalsooni buuxda ku qabaa inaan tallaabooyin muhiim ah qaadi karno, guulna aan ka gaari karno.

Barnaamijkayga doorashada madaxweynanimo waxaa saldhig u noqonaya isbeddel ballaaran oo lagu sameeyo dhaqan siyaasadeedka, dhaqan-hawleedka iyo hannaanka hoggaamineed ee dalka.

Waxaan dalka ka hirgelin doonnaa isbeddel lagu gaaro hannaan dowladnimo casri ah, dimuqoraadi ah, ku shaqaysa sarraynta sharciga, heshiisna lagu yahay.

Hiigsiyada muhimka ah ee barnaamijkayga waxaa ka mid ah in dalka lagu soo dabbaalo nidaamka xisbiyada badan si loogu tartamo aragtiyo iyo afkaaro siyaasadeed oo lagu horumarin karo dalka.

Qorshehayga waxaa astaan u ah Hiigsi iyo Horumar noo horseeda Soomaaliya xasilloon, barwaaqo ah, nabad iyo cadaaladna ku wada nool.

Waxaa Sharaf ii ah, in aan halkan idin- kula wadaago barnaamij siyaasadeedka aan ku hawl-geli doono haddii la ii doorto xilka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Barnaamij kasta oo la sameeyaa kama maarmo hawl-karnimo, karti, hufnaan iyo dadaal dhab ah, sida xikmadda Soomaaliyeed ay oranayso «Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan».

Allah towfiiqda ha ina waafajiyo.

Mahadnaq & Qaddarin,

Mudane Hassan Ali Khaire Murashax Madaxweyne 2022-2026

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -