Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo Deni & Axmed Madoobe uga tanaasulay qodobo uu ku dhegenaa

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Madaxtooyada Somalia kulamo saacadihii la soo dhaafay u socday dawlad goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu xaliyey inta badan caqabadihii hortaagnaa furitaanka shirka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad goboleedyadan.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayey wararku sheegayaan inuu ka tanasulay qodobo muhiim ah si shirku u furmo.

Qodobadaas ayaa waxaa ka mid ah in Ciidamadii dawladdu gaysay gobolka Gedo in dib loo soo celiyo, si awooda maamul ee gobolkaas ay ula wareegaan maamulka Jubaland ee uu Axmed Madoobe hogaamiyo iyo in shirka ay ka soo qayb galaan sadexda Madaxwayne goboleed ee ka maqan, si hore loogu sii ambaqaado, dib u sixidna loogu sameeyo shirkii Dhuusamareeb 3.

Waxaa kale oo la filayaa in shirkaas ay ka qaybgali doonaan labada Gudoomiye Baarlamaan ee Mursal iyo Cabdi Xaashi sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow labadan masuul.

Wararka ayaa intaas ku daraya in la sameeyay guddi farsamo oo laba dhinac ah kaasoo uu ku jiro C/rashiid Janan oo matalaya dhanka Jubbaland, iyadoo uu horey uga baxsaday xabsi guri ay ku heysay DF.

Berri ama maalmaha xiga ayaa la filayaa in ugu yaraan laba diyaaradood loo diro gobolka Gedo si ay ciidamada u soo daabulaan, inkastoo aan tafaasiil laga bixinin ciidamadaas tiradooda iyo hadii qaar ka mid ah ciidamada lagu reebayo gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye oo shir xasaasi ah yeeshay iyo qodobbo kasoo baxay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wiilka Boqor Salmaan oo iibsaday guriga ugu qaalisan dunida (Daawo Sawirada)

admin

Hirshabelle oo ka hor timid qoraal ka soo baxay Gudomiyihii hore ee G/Giiraan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---