Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Milatariga Israa’iil oo sheegay in duqeyn ku dileen Hussam Abu Harbeed

Ciidamada Israa’iil ayaa wali wada duqeymaha ay la beegsanayaan magaalada Gaza iyo goobo kale oo katirsan dhulka Falastiin, waxaana sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay duqeymaha ay fulinayaan ciidamada Israa’iil.

War kasoo baxay ciidamada milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradeed lagu dilay hoggaamiyaha kooxd Islaamik Jihaad ee ka dagaalanta waqooyiga magaalada Qaza ee Hussam Abu Harbeed.

Milatariga Israa’iil ayaa ku eedeeyay sargaalkan ay sheegeen in duqeyn ku dileen in masuul ka ahaa weeraro gantaalo ah oo lagu qaaday magaalooyin kuyaala Israa’iil kuwaa oo khasaaro kasoo gaaray dad Yahuud ah.

Kooxda Islaamik Jihaad ayaan xaqiijin warkan kasoo baxay maamulka Israa’iil, waxaana ciidamada Israa’iil duqeymo badan la beegsadeen saacadihii lasoo dhaafay dhismayaal kuyaala magaalada Gaza.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Ruushka oo Maxaabiis Mareykan ah ku qabtay dagaalka Ukraine

Caydiid Ali

TPLF oo Fariin u dirtay Soomaalida kunool dalka Itoobiya iyo qowmiyadaha kale ee dalkaasi

Cabdi Cade

Al Shabaabn oo weerar ku qaaday lana wareegtay Deegaan ay wareejiyeen Ciidamada ATMIS

Cabdi Cade
Taboola Ads ---