Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac ayaa guul kale oo istaraatiji ah gaaray, kaddib markii Mareykanka uu ku qanciyay inan bannaanka loo tuurin dagaalyahannada ajnabiga ah ee ka barbar dagaallamay
Taa beddelkeeda wuxuu hadda Mareykanka oggolaaday in xubnaha ajanabiga oo gaaraya 4,000 oo dagaalyahan oo inta badan ka soo jeeda qowmiyadda Uyghur ee muslimiinta Shiinaha iyo kuwa kale oo dalal Aasiya ku yaalla u dhashay in lagu daro cutub cusub oo qeyb ka noqonaya guutada 84aad ee ciidanka Suuriya , balse waxaa hoggaamin doona saraakiil Suuriyaan ah, sida uu maanta xaqiijiyay ergayga Mareykanka ee Suuriya, Thomas Barrack oo la hadlay Reuters.
Sharac, wuxuu horey u siiyay jinsiyada Suuriya inta badan dagaalyahannadii ajanabiga ee ka soo dhinac dagaallamay, waxaana hadda muuqata inuu Mareykanka ku qanciyay inaysan jirin meel ay ku laaban karaan oo kaliya ay ku biiri karaan ururrada kale , taa oo xataa khatar ku noqon karta dawladda Suuriya iyo xasilloonida gobolka.
Mareykanka iyo quwadaha kale, hadda waxay u deg degayaan in meesha laga saaro ururrada dagaallama, tan oo la xiriirta marxaladda waqtigan ee dunidda ay gashay oo quwadaha waa weyn sida Mareykanka , Shiinaha iyo Ruushka ay ka walaacsan yihiin surtagalnimada burbur gaara xasilloonida dunidda oo ka dhalanaya khilaafka iyo colaadda ka taagan dhinac walba oo dunidda ah iyo dareenka la xiriira surtagalnimada dagaal weyne, taa oo keenaysa in meesha laga saaro ururradii iyo kooxihii loo adeegsan jiray khal khal gelinta xasilloonida.