Xildhibaanada iska casilaya Madasha Xisbiyada Qaran oo sii kordhay (Sababta oo la ogaaday)

Waxaa sii kordhaya xubnaha ka tirsan labada aqal ee baarlamanka Somalia ee iska casilaya xubinimada xisbiyada UPD iyo Himilo qaran oo hogaamiyaan madaxdii hore ee dalka, kuwaasoo ka mid ah axsaabta ku bahoobay madasha xisbiyada Qaran ee mucaaradka ku ah DF.

Xubno hor leh oo ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee UPD ayaa maanta is-casilay.

Xubnaha is casilay oo aan si rasmi ah u sheegin sababata ay isku casileen ayaa waxay kala yihiin laba Xildhibaan oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo ah Senator Muxiyadiin Sheekh Cali Jaamac, iyo Senator Cabdirisaaq Axmed Cali.

Is-casilaadaan ayaa waxay kusoo aadeysaa xilli shalay ay si casileen laba xubin oo ka kala tirsanaa Xisbiyada Himilo Qaran iyo UPD, oo kala ah xildhibaan Cabdifataax Daahir Ismaaciil oo ka tirsanaa Xisbiga UPD iyo xildhibaan Xuseen Carab Ciise ka mid ahaa Xisbiga Himilo Qaran.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xubnaha iska casilay Madaxsha Xisbiyada Qaran ee ka soo Jeeda Somaliland ay isu casileen markii laga hor yimid dalab ay gudbiyeen Madaxda Xisbiyada Qaran.

Xubnaha ayaa waxay ka soo horjeedeen qaabka loo magacaabay Guddiga Dhamaystirka sharciyada Doorashooyinka oo ay u arkeen in dhamaan dadka ka soo jeeda gobolada waqooyi ee ku jira Guddigaas ay yihiin Muxaafid u janjeera dhanka dawladda.

Waxaa ay Xubnaha iscasilay u soo jeediyeen Madasha Xisbiyada qaran :

1- In 7da xubnood ee ka tirsan Madasha ee ku jira Guddigaas ay iscasilaan.

2- In la canbaareeyo qaabka Guddiga loo magacaabay maadaama aan dhinac ahaan loo dhamayn, si cadaadis ay ugu noqoto Gudoonka labada aqal ee Soo magacaabay Xubnahaan iyo In guddiga la baabi’iyo ama wax laga badalo.

Madasha Xisbiyada qaran ayaa arrintaas ka biyo diiday waxaana ay taasi khasabtay in Labada Xubin ee aynu magacyadooda kor ku soo xusnay iyo kuwo kale oo aan wali la xaqiijin ay iska casilaan xubinimadii Xisbiyada ku bahoobay Madasha Xisbiyada qaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -