Allbanaadir.com
NEWS

Mid ka mid ah Wasiiradii uu Magacaabay RW Khayre oo saaka Muqdisho lagu soo dhoweeyey (Daawo Sawirro)

Waxaa Magaalada Muqdisho saaka soo gaaray Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ee uu shalay Magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sabriye ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirada Warfaafinta, Isgarsiinta, gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno kale.

Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda xilkaas kala wareego Wasiirkii hore ee Wasaaradaas Cabdi Faarax Siciid Juxa, waxaana wasiirka cusub hor yaalla howlo adag.

Sabriye ayaa ka mid ahaa saddex wasiir oo uu shalay magacaabay raisul wasaaraha Somalia kuwaasoo bedelaya wasiiro kale oo xilka laga qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Nairobi kula kulmay Shariif Xasan & Waare halka Axmed Madoobe uu…

Cabdi Cade

Taliyihii hore ee ciidanka Difaaca Uganda Gen. Katumba Wamala oo saakay la toogtay

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo gacanta ku dhigay Sargaal katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---