Degaanka Xawaadley ee gobolka Sh/dhexe ayey gudaha u galeen casirkii maanta kooxda Al shabaab kadib markii ay isaga baxeen ciidamda nabad ilaalinta AUSSOM gaar ahaan kuwa dalka Burundi, ciidamada dowladda iyo xoogagga deegaanka.
Wararka ayaa xusaya in al shabaab ay taatiko cusub kula wareegtay deegaanka kadib markii ay goob biya xireen ahaa ku furtay deegaanka, taasoo sababtay in in ciidamadu ka guuraan deegaanka sida ay iigu warrameen ila wareedyo kala duwan.
Goor maqribkii ahayd ayaa waxaa sidoo kale diyaarad nuuca Helicopterka loo yaqaan ku dhacday deegaanka Maqdis oo aan kafogayn Xawaadley, waxana markiiba la soo badbaadiyay shaqalihii iiyo duuliyaashii lasocday, walow halkaas looga soo tagay diyaaradii qummaatiga u kacaysay.
Sii joogitaanka al shabaab ee deegaanka Xawaadley waxaa uu Jowhar iyo aaggga ka dhaw ku yahay halis amni oo aad u wayn marka loo eego in deegaanku leeyahay buundo iskaga gudubta labada Shabeelle, taasoo u sahlaysa kooxda AS in ciidamo iyo qaraxyo ay kala soo gudbaan buundada Deegaanka Xawaadley.