Aabe gabadhiisa ku ciqaabay in ay lugeyso 8-KM iyo sababta keentay (Daawo Sawirada)

Waxaa dood xoog leh oo la xiriirta hab dhaqanka waalidiinta abuuray Aabe ka soo jeeda gobolka Ohio ee dalka Mareykanka, kaasoo gabadhiisa ku kallifay iney iskuulka u lugeyso masaafe dhan 8 kiiloo mitir, si uu ugu ciqaabo dhibaato ay ardayda iskuulka u geysato.

Ka dib markii gabadhiisa 10 sano jir ah oo lagu magacaabo Kirsten muddo saddex maalmood ah looga mamnuucay gaariga iskuulka sababo la xiriira dhibaato ay markii labaad u geysatay ardayda la raacda gaariga, ayuu aabeheed Matt Cox go’aan ku gaaray inuu siiyo cashir aysan illoobi doonin nolosheeda.

Wuxuu ku khasbay iney maalin qabow jiro u lugeyso iskuulka oo aad uga fog, isagoo gadaasheeda socday xilli uu gaari watay.

Muuqaal laga arki karo arrintan ciqaabta ah ayaa barta xiriirka bulshada ee facebook lagu fiirsaday in ka badan 15 malyan oo jeer waxaana hadallo faallo ah laga bixiyay kumannaan jeer oo kale.

Waxaa la arkayay gabadha yar oo socota waddada dhineceeda, iyadoo boorsada iskuulkana ay dhabarka u saarneyd.

Heer kulka hawada oo aad u qaboobaa ayaa markaas marayay 2C oo kaliya.

Mr Cox oo si aayar ah gaari ula daba socday gabadhiisa ayaa ku canaananayay hadallo ku saabsan dhibaateynta carruurta iskuulka.

“in carruurta lagu dhibaateeyo iskuulka ma aha wax la aqbali karo, habkan waa midka aan ku doonayo inaan qoyskeyga uga gooyo dhaqanka noocaas ah” ayaa ka mid ahaa hadalladiisa.

“Waan ogahay in waalidiin fara badan oo idinka mid ah aysan tallaabadeyda ku farxi doonin laakiin dhib ma laha” ayuu yiri.

Qoraal uu maalintii Arbacada ahayd bartiisa facebook soo dhigay Mr Cox ayuu ku sheegay in gabadhiisa ay qalbiga ku qaadatay hadalladiisa.

Gabadha 10 jirka ah oo la hadleysay warbaahinta WTVG ayaa sheegtay in iyada qudheeda lagu soo dhibi jiray iskuulka haddana ay naxariis yeelatay.

Inta badan 63,000 qoraal oo ay dadka uga fal celiyeen muuqaalkiisa, waxay intooda badan taageerayeen tallaabadiisa waxayna uga mahad celinayeen sida ay u fiicantahay waalidnimadiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -