Aas Qaran oo loo sameeyay labo sargaal oo katirsan Milatiraga Somalia (Daawo Sawiarada)

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qayb galay Tukashada Salaad Jinaaza ah iyo aas Qaran oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Taliyihii iyo abaan duulihii Guutada 12-ka April ee Ciidanka XDS, Jan, Cumar Aaden Dhubbad (Cumar dheere) iyo Jen, Cabdi Cali Jammaame, oo Shalay ku dhintay qarax ka dhacay nawaaxiga Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose.

Salaadda Jinaazada oo lagula dukay Marxuumiinta Masjidka Madaxtooyada,  ayaa waxaa kasoo qayb galay, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Dalka, Saraakiill iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxdii iyo saraakiishii kale ee kasoo qeyb gashay aaska iyo salaada Janaasada ee lagu tukaday saraakiishan shalay la dilay ayaa indhahooda laga dareemayay sida ay uga murugeesnaayeen dilka saraakiishan katirsanaa milatariga Soomaaliya.

Taliya Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/ Gaas , Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) ayaa sheegay in geerida saraakiishan aysan wax ka badeli doonin dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -