Dood ku saabsan (Ku dhashay & u dhashay) oo ka taagan dalka Maraykanka

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in isagoo adeegsanaya awooddiisa madaxweyne uu qorsheynayo sidii uu ku soo afjari lahaa Xaqa uu qofka u leeyahay inuu muwaadin noqdo haddii uu ku dhasho Mareykanka.

Trump ayaa ka dhawaajiyay inuu muddooyinkan ku howlanaa sidii meesha looga saari lahaa in muwaadin lagu noqdo ku dhalashada Mareykanka, taasoo ah xeer Mareykanka uu ku soo dhaqmayay muddo 150 sano ah, oo dhigaya in qof walba oo ku dhasha gudaha Mareykanka uu xaq u leeyahay inuu noqdo muwaadin, xitaa haddii waalidiintiisa aysan jinsiyadda Mareykanka heysan.

“Mar walba waxaa la ii sheegi jiray inaad u baahan tihiin isbaddal lagu sameeyo dastuurka, ma qiyaasi kartaa waxa uu yahay? Maya ma qiyaasi kartid” ayuu yiri Trump, wuxuuna isagoo hadalkiisa sii wata intaas ku sii daray: “Taas waxaa lagu sameyn karaa sharci ka soo baxa aqalka kongareeska. Laakiin hadda waxay leeyihiin waxaad sidaas ku sameyn kartaa amar Madaxweyne.

Mr. Trump ayaa sheegay in amarka noocaas ah uu xilligan shaqeynayo, iyadoo Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha ayaa abuuray dood ku saabsan inuu awood u leeyahay tallaabo ceynkaas ah iyo in kale.

Waxaa sidoo kale su’aalo la iska weydiiyay in waalidiinta qaxootiga ah ay carruurtooda xuquuq buuxda u leeyihiin jinsiyadda mareykanka, haddii ay ku dhashaan gudaha waddanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -